Xisbiga ANC oo 23-ka bishan shaacin doono musharrax madaxweyne

0
306

Xisbiga ANC ee uu hoggaamiyo Musalia Mudavadi ayaa la qorsheynayaa inuu 23-ka bishan xarunta Bomas ee magaalada Nairobi ku yeesho kulan shaaca looga qaadi doono cidda ku matalaysa loolanka madaxtinimo ee bisha siddeedaad.
Xoghayaha guud ee ANC Simon Kamau Gikuru ayaa arrintan la wadaagay warbaahinta.
Waxaa uu xusay inuu isugu yeeray kulan gaar ah oo ay wufuudda ANC yeelanayaan abaare 9-ka subaxnimo ee 23-ka Jannaayo.
Kamau ayaa hoosta ka xarriiqay in ajeendaha ugu muhiimsan ee shirka ay tahay in la xusho musharraxa xilka madaxweynenimo ee xisbiga iyo inay caddeeyaan mowqifkooda ku aaddan rabitaanka madaxtinimo ee isbeheysiga OKA.