Waxaa xarunta dambi baarista ee magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland looga yeeray guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Waddani ayaa markii uu tegayay xarunta CID-da waxaa la socday musharraxa madaxweyne ee xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamad Cabdillaahi Cirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga Waddani.
Guddoomiyaha ayaa markii xaruntaasi kasoo tegay faahfaahin ka siiyay warbaahinta su’aalihii ay waaxda dambi baarista waydiiyeen.
Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa bishii 11-aad ee sanadkii hore loo doortay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.