Guddoomiyaha baarlamaanka oo digniin u diray xildhibaanada

0
342

Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Justin Muturi ayaa mudanayaasha uga digay inay u dhaqmaan qaab sumcad xumo ah si gaar ah marka ay gudanayaan waajibaadka ka saaran sharci dejinta.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii rabshado laga soo tabiyay gudaha baarlamaanka xilli ay socotay dood ku saabsan xeerarka siyaasadeed ee wadanka.
Mudanayaasha ayaa maanta dib u billaabay kal-fadhiyo gaar ah oo la qorsheeyay inay socdaan saddex cisho oo uu codsaday hoggaamiyaha aqlabiyadda ahna mudanaha deegaan baarlamaneedka Kipipiri Amos Kimunya.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka ayaa maanta iskudayay inay Kimunya ka hor istaagaan inuu isbeddellada u bandhigo baarlamaanka balse kuma aynan guulaysan.
Xildhibaanada xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa si wayn uga soo horjeeda isbeddelka dhigaya in xisbiyada wadanka loo beddelo isbeheysiyo la soo dhisayo 6 bilood ka hor codeynta guud.
Waxay wacad ku mareen in xita hadii loogaga adkaado baarlamaanka ay dacwad gayn doonaan maxkamadda.
Siyaasiyiintan ayaa ku doodaya in isbeddellada la soo jeediyay ee uu baarlamaanka ka doodayo aan laga tala gelin dadweynaha.
Hasa ahaate hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Amos Kimunya ayaa xalay wareysi uu bixiyay ku sheegay in aynan sax ahayn in shacabka aan loo bandhigin isbeddellada.
Doodda maanta dib u furmatay oo socon doonto ilaa Jimcaha ayaa waxaa hareeyay buuq in kastoo xaaladda la xakameeyay.