Amar dowladda ka mamnuucay inay dadka ku qasabto qaadashada tallaalka COVID-19 oo sii jiraya

0
528

Maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegtay inuu sii jirayo amarka lagu hakinayo ku tallaaba qaadka go’aankii wasaaradda caafimaadka ee dalka ee ahaa in helitaanka adeegyada muhiimka ah laga xayirayo qofkii aan qaadan tallaalka ka dhanka ah corona.
Garsoore Antony Mrima ayaa sheegay in amarkii maxkamadda ee 14-kii bishii hore uunan waxbo iska beddelin, ilaa inta laga gaarayo dhageysiga dacwadda iyo go’aan ka gaariddeeda, ka dib codsi uu gudbiyay nin ganacsade ah oo lagu magacaabo Enock Aura.
Ganacsadaha ayaa ku andacooday in amarka wasaaradda caafimaadka u ka hor imaanayo xuquuqaha aasaasiga ah iyo xurriyaadka muwaadiniinta sida dasturka dalka uu dhigayo.
Mr. Aura ayaa xusay in dowladda Kenya ay heshiisyo qarsoodi ah la gashay shirkado caalami ah oo dawooyinka sameeya si kenyaanka loogu iibiyo tallaalka COVID-19.
Ganacsadaha oo adeegsanaya mid ka mid ah qareenada dalka oo lagu magacaabo Harrison Kinyanjui ayaa dhanka kale sheegay inay jiraan suuqyo ganacsi oo aan u hoggaansamin amarka maxkamadda, kuwaas oo macaamishooda weydiinaya shahaadada tallaalka COVID-19 ka hor inta aysan u adeegin.
Hasa ahaate garsoore Mrima ayaan wax go’aan ah ka qaadan suuqyada balse waxaa uu xusay inaysan qayb ka ahayn dacwadda la hor geeyay.
Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe ayaa horaan sheegay in dhammaan dadka aan iska tallaalin corona laga xayiri doono adeegyada maamulka canshuuraha wadanka ee (KRA), maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka waddooyinka ee (NTSA),waxbarashada, isbitaallada , socdaalka, dekadda ,goobaha madaddaalada ,booqashada maxaabiista, maqaayadaha iyo waaxyaha la midka ah.