Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo looga yeeray xarunta dambi baarista ee Hargeysa

0
388

Waxaa xarunta dambi baarista ee magaalada Hargeysa looga yeeray guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Waddani ayaa markii uu tegayay xarunta CID-da la socday musharraxa madaxweyne ee xisbigaasi Cabdiraxmaan Maxamad Cabdillaahi Cirro iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga Waddani.
ilaa hadda lama ogo sababta ka dambeysay in guddoomiyaha looga yeero halkaas.
Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa bishii 11-aad ee sanadkii hore loo doortay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.