Waxaa afartii cisho ee ugu dambeeyay laba jibaarmay tirada kiisaska caabuqa corona ee laga diiwaangeliyay gudaha wadanka India.
Wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi ayaa maanta xaqiijisay kiisas cusub oo gaaraya 58,097.
Sidoo kale dhimashada waxaa ku kordhay 534 tani oo tirada guud ee dadka ilaa iyo hadda u geeriyooday cudur sidaha corona ee wadanka India ka dhigaysa 482,551 qof.