Weerar lagu fashiliyay Ciraaq

0
316

Isbeheysiga militari ee uu hoggaaminayo Maraykanka ee gudaha dalka Ciraaq kaasoo dagaal kula jiro kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS ayaa sheegay in markii labaad 24 saac gudahood uu fashiliyay weerar loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee drones-ka oo lagu bartilmaameedsaday saldhigga ciidamada Washington.
Sarkaal u hadlay isbeheysigan ayaa sheegay in maanta ay soo rideen labo ka mid ah diyaaradahan oo aad hub looga soo buuxiyay.
Militariga ayaa falcelin sameeyay xilli lagu waday in la weeraro saldhigga Ain al-Asad oo ku yaalla gobolka galbeed ee Anbar .
Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falalkan aan lagu guulaysan.