Maxkamadda oo la geeyay dacwad lagu doonayo in aabayaasha fasax 3 bilood ah la siiyo xilliga loo umulaya

0
442

Sarkaal caafimaad oo ka howlgalo ismaamulka Nakuru ayaa dacwad u gudbiyay maxkamadda shaqaalaha.
Waxaa uu dalbanayaa in marka ay hooyada umulayso in fasax shaqo oo ilaa saddex bilood ah la siiyo odaygeeda.
Aabayaasha ayaa hadda helo labo toddobaad oo fasax ah.
Dr. Magare Kigenyi ayaa ku doodaya in kala duwanaanshaha muddada fasaxa ee ku qeexan sharciga shaqaaleysiinta ee sanadkii 2007-dii laga dheehan karo takoor cad oo ka dhan ah ragga.
Sidoo kale waxaa uu maxkamadda u sheegay in cilmi baaris dhanka sayniska ah lagu ogaaday in kaalinta aabaha iyo hooyada ee saddexda bilood ee ugu horreysay umusha ka dib ay si isku mid ah muhiim u yihiin.
Garsoore Jacob Kageri ayaa wasaaradda shaqaalaha iyo xeer ilaaliyaha guud ee dalka ku amray inay dacwadda uga soo jawaabaan muddo 21 cisho gudahood ah.