DHAGEYSO:Guddoomiyaha aqalka sare oo baaq u diray siyaasiyiinta

0
380

Guddoomiyaha aqalka sare Ken Lusaka ayaa madaxda siyaasadeed ugu baaqay inay ka fogaadaan jeedinta hadallada kenyaanka ka dhex abuuri karo naceybka iyo kala qaybsanaanta.
Waxaa uu hoggaamiyaasha kula taliyay inay ku dadaalaan xoojinta midnimada bulshada.
Lusaka oo qaatay tallaalka corona ayaa dhanka kale dadweynaha ku nool ismaamulka Bungoma ee galbeedka wadanka ku boorriyay inay qaataan dawooyinka tallaalka.
Waxaa uu kenyaanka ka codsaday inaysan marnaba oggolaan in lagu kala qaybiyo dano siyaasadeed.

Dhawaan ayay ahayd markii ay wasaaradda caafimaadka ee dalka shaacisay inay dadka qaatay tallaalka COVID-19 siinayso irbad xoojinaysa difaaca jirkooda.