DHAGEYSO:Maxkamad ku taalla gobolka Mudug oo amartay in cid kasta oo Gaalkacyo ku haysata hub sharci darro ah lagala wareego

0
862

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Mudug ayaa amartay in cid kasta oo Gaalkacyo ku haysata hub sharci darro ah lagala wareego.
Waxaa ay maxkamadda xukuntay in dhammaan hubkaasi uu la wareego maamulka gobolkaasi.
Guddoomiyaha maxkamadda daraja koowaad ee gobolka Mudug Cabdinaasir Maxamad Cali ayaa goob hub sharci darro ah lagu soo badhigay ka akhriyay go’aanka maxakamdda.

Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa ka hadlay waxyaabaha maanka dooriya ee lasoo galiyo gobolkaasi.
Waxaa uu sheegay in dadka ka ganacsada waxyaabahaasi ay lamid yihiin ururka Al-Shabaab.