Dab khasaaro hantiyadeed gaystay ayaa Barqanimadii Maanta ka kacay Goobo Ganacsi oo ku yaalla suuqa Xaafadda Seybiyaano degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Sida ay sheegeen goobjoogayaal Dabka ayaa ka dhashay Koronto ka kacday Timajare ku yaalla Aaga Suuqa Caanaha.
Waxaana dabka uu ku faafay Goobo dhowr ah oo lagu iibiyo Cuntada qutul daruuriga iyo Caanaha.
Qaar kamid ah Ganacsatadii lahayd Goobaha uu dabka saameeyay ayaa sheegay in uu dabka baabi’iyay ilaa Shan Goobood oo Ganacsi, maadaama uu ahaa mid aad u xooggan, islamarkaana Hanti farabadan ku burburtay.
Waxaa ay sheegeen in dabka lagu demiyay dadaal ay sameeyeen Ganacsatada Suuqa Seybiyaano iyo qeybaha kale ee Bulshada, balse saameyn wayn uu ku reebay.
Qaar ka mid ah shacabkii halkaas ku sugnaa ayaa ka warbixiyay sida wax u dhaceen
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Dab khasaaro hantiyeed gaystay oo ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla...