Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska , ehellada iyo asxaabta xeer ilaaliyihii hore ee wadanka Charles Mugane Njonjo oo geeriyooday.
Njonjo ayaa dhintay saaka abaare 5:15 aroornimo isagoo 101 sano jir ah kuna sugan hooygiisa xaafadda Muthaiga ee caasimadda dalka.
Waxaa geeridiisa shaaciyay David Silverstein oo ahaa dakhtarkiisa gaarka ah sidoo kalena u soo adeegay madaxweynihii labaad ee wadanka Daniel Arap Moi .
Hoggaamiyaha dalka ayaa geerida mas’uulkan hore ku tilmaamay dharbaaxo xooggan oo soo gaartay Kenya iyo si guud qaaradda Afrika.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in Njonjo uu kaalin hormuud ah ka soo qaatay qarannimada dalka xilligii xurriyadda.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa lagu xusay in Charles Njonjo uunan ahayn halyeey keliya balse astaanta horumarka wadanka muddo sanado ah.
Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay qireyso horumarkii dhanka dastuurka iyo xeerka ee uu horseeday Charles Njonjo oo xeer ilaaliyaha guud ahaa intii u dhexeysay sanadkii 1963 ilaa 1979-kii.
Waxaa uu xilkaasi howlgab ka noqday isagoo 60 sano jir.
Njonjo ayaa jagada xeer ilaaliyaha guud ee wadanka kala wareegay Eric Griffith-Jones oo ahaa xeer ilaaliyihii xilligii guumeystihii Ingiriiska oo jagadaasi qabtay 1-dii bishii shanaad ee sanadkii 1955.
Ka dib markii uu xafiiska baneeyay waxaa bishii afaraad ee sanadkii 1980 loo doortay xildhibaanka deegaan baarlamaneedka Kikuyu ee bartamaha wadanka.
Madaxweynihii hore ee dalka Daniel Arap Moi ayaa bishii Lixaad ee sanadkii 1980 Charles Njonjo u magacaabay wasiirkii gudaha iyo arrimaha dastuurka xilkaasi oo uu hayay ilaa 1983-dii.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu murugada la qaybsanaya qoyska uu ka baxay aqoonyahaankan iyo dhammaan kenyaanka.
Wiil uu soddog u ahaa oo lagu magacaabo Carey Ngini ayaa laga soo xigtay in abaare 8-dii subaxnimo ee maanta meydkiisa lagu gubay qubuuraha xaafadda Kariokor ee magaalada Nairobi sidii uu horay uga dardaarmay.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay in siyaasigan hore uu muddo la xanuunsanaa cudurka burukiitada oo waxyeeleeyay sambbabadiisa.
Charles Njonjo oo ay 21 cisho uga harsanayd inuu u dabbaal dego sanadguuradii 102-aad ee ka soo wareegatay dhalashadiisa ayaa ifka kaga tagay xaaskiisa Margaret Bryson iyo saddex carruur ah oo lagu kala magacaabo Wairimu Njonjo, Wambui Njonjo iyo Josiah Njonjo.
Geerida Njonjo waxaa sidoo kale ka tacsiyeeyay madaxa xisbiga ODM Raila Odinga iyo madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo labaduba ku tilmaamay shakhsi si hagar la’aan ah ugu soo adeegay qaranka iyadoo garyaqaanno badan ay ka faa’iidaysteen aqoontiisu durugsanayd ee dhanka sharciga.