Dennis Itumbi oo maalmo ka dib isbitaalka laga saaray

0
831

Dennis Itumbi oo xafiiska madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto u qaabilsan istaraatiijiyadda dhanka dijitaalka ayaa sagaal cisho ka dib laga saaray isbitaalka.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii ay soo baxeen warar sheegaya in Dennis Itumbi oo ka mid ah dadka sida wayn u isticmaalo baraha bulshada laga afduubtay ismaamulka Kiambu.
David Itumbi oo ay walaalo yihiin ayaa sheegay in isbitaal loo dhigay dhaawacyo la gaarsiiyay.
Xilli shalay laga saarayay isbitaalka Nairobi West ayuu warbaahinta u sheegay Dennis Itumbi in xaaladdiisu caafimaad ay wanaagsan tahay.
Waxaa uu sheegay in sagaal cisho ka hor uu dareemayay xanuun daran oo xitaa indhihiisa kala furi waayay.
Shakhsigaan oo baraha bulshada aad wax ugu qoro ayaa afduubka iyo jirdilka loo gaystay ku eedeeyay inay ka dambeeyaan saraakiil sar sare oo ka tirsan dowladda, oo sida uu hadalka u dhigay dhibsaday dhaliil uu ugu jeediyo baraha bulshada.
Hasa ahaate waaxda qaran ee adeegga booliska ayaa sheegtay inay dhacdadaasi baaritaano ku hayso oo cidii wax ka og laga doonayo inay laamaha ammaanka la wadaagto.
Waxaa uu sheegay in bartmaha bisha Labaad ee sanadkan uu faahfaahin dheeraad ah ka bixi doono afduubka loo gasytay.
Dennis Itumbi ayaa la waayay gelinkii dambe ee 23-kii bishii hore ka dib markii rag aan la aqoonsan ay ka kaxeeyeen degmada Thindigua xilli uu ka soo baxay goob timaha lagu jaro.
Waxaana si khasab ah gudaha loogu geliyay baabuur ah nooca Toyota Premio