Wakiilka haweenka ee ismaamulka Migori Pamela Odhiambo ayaa codkeeda ku biirisay hadal dhawaan uu jeediyay wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka George Magoha.
Magoha ayaa ku taliyay inay khasab noqoto in ardayda laga baaro isticmaalka maandooriyaha.
Wasiirka ayaa tilmaamay in tani ay ka hor tag u noqon karto dhacdooyinka saameynta leh ee lagu gubo dugsiyada wadanka.
Mrs. Pamela ayaa xilli ay ku sugnayd deegaanka galbeedka Suna carrabka ku dhufatay in baaritaannada ay kaalin ka qaadan doonaan in xilli hore la ogaado ardayda adeegsada balwadda si loola tacaalo habdhaqankooda.
Wakiilka haweenka ee ismaamulka Migori oo sidoo kale xubin ka ah guddiga tacliinta ee baarlamaanka waxay sheegtay inay wasiirka garab ku siin doonaan sidii tallaabo sharciyeed looga qaadi lahaa ardayda ku kaca falal dambiyeedyada.
Home Wararka Kenya Wakiilka haweenka ee Migori oo soo dhaweysay in ardayda laga baaro isticmaalka...