Afhayeenka dowladda dhexe oo ka hadlay adeegyada bulshada

0
657

Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee ay ka go’an tahay bixinta adeegyo bulsho oo tayo leh.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dowladdu ay ku dadaalayso sidii loo sii wanaajin lahaa nolosha kenyaanka .
Oguna ayaa intaasi ku daray in sare loo qaadi doono barnaamijyada lagula tacaalaya saameynta dhaqaale ee ka dhalatay cudurka COVID-19.
Afhayeenka ayaa xusay in si gaar ah sanadkan cusub diiradda loo saari doono dhameystirka mashaariicda la xiriira qorshayaasha ugu waawayn ee dowladda sida caafimaadka , sare u qaadidda wax soo saarka , guriyeynta iyo la tacaalidda cunno yarida.