Kalonzo oo sheegay inay riyo ku jiraan kuwa u maleeya in isbeheysiga OKA kala jabi doono

0
677

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper kana mid ah isbeheysiga OKA Kalonzo Musyoka ayaa ku gacan seyray kuwa ku andacoonaya in burburka isbeheysigaasi uu soo dhawaaday.
Wareysi uu siiyay teleefishinka maxalliga ee Citizen ayuu ku adkeystay in xiriirka ay wada leeyihiin madaxda kale ee isbeheysiga OKA uu aad u wanaagsan yahay.
OKA ayaa waxaa ku mideysan xisbiyada kala ah ANC,KANU,Ford-Kenya iyo Wiper.
Waxaa ayna kala yihii Musalia Mudavadi,Gideon Moi, Moses Wetangula iyo Kalonzo Musyoka.
Waxaa uu xusay madaxweyne ku xigeenka hore ee dalka in qof kasta oo u maleynaya in isbeheysiga OKA uu kala jabi doono uu riyoonaya.
Kalonzo ayaa sidoo kale ku andacooday in isbeheysigooda ay shacbiyaddiisa sii kordhayaaan, inkasta oo la isla dhexmarayo in hoggaamiyayaasha isbeheysiga OKA laga yaabo in doorashada guud ka hor ay ku kala biiraan xisbiyada ODM iyo UDA oo ay kala hoggaamiyaan Raila Odinga iyo William Ruto.
Hoggaamiyaha xisbiga Wiper ayaa meesha ka saaray hadallada noocaas ah ee la isla dhexmarayo.
Dhawaaan ayay ahayd markii hoggaamiyaha xibiga Ford-Kenya ahna senatarka ismaamulka Bungoma kana mid ah madaxda ugu sarreyso isbeheysiga OKA uu xaqiijiyay in dabayaaqada bishan shaacin doonaan musharraxa madaxweyninimo ee ku matali doono doorashada guud ee sanadkan.
Mr. Wetangula ayaa xusay in xulashada cidda calanka u sideysa ay tahay mid u baahan fikir iyo falanqeyn badan, sidaas darteedna aan loo baahneen degdeg.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay weli ku howlan yihiin wada hadallo ay ku soo xulanayaan in mid ka mid ah uu sanadkan u tartamo hoggaanka ugu sarreeya dalka.