Waxaa sanadka cusub ee 2022-ka inaga xiga saacado koobaan.
Haddaba, sanadka sii dhamaanaya ee 2021-ka ayaa qoysas badan ehelladooda ku waayeen dhacdooyinka kala duwan oo ka dhacay gudaha Kenya.
Tirada dadka ku dhintay shilalka waddooyinka ayaa kor u kacday sanadkan, iyadoo Kenya ay diiwaangelisay in ka badan 4000 oo dhimasho ah.
Tiradan ayaa ka badan marka la barbardhigo dhimashadii la diiwangeliyay sanadkii hore ee 2020-ka, taas oo ahayd 3000.
Sida lagu sheegay warbixin ay dowaladda soo saartay, tirada guud ee dhimashada sanadkan la diiwaangeliyey ayaa waxaa ugu badan wadayaasha mootooyinka, iyadoo in ka badan 1,500 oo ka mid ah ay u dhinteen dhaawacyo ka soo gaaray shilalka waddooyinka.
Tirada shilalka waddooyinka ee dadka lugeynayay ayaa dhimashadooda lagu sheegay 1372 qof.
Rakaabka ayaa dhankooda lagu sheegay 664 halka darawalladu ay yihiin 403.
Shilkii ugu xumaa ee sanadkan ka dhacay gudaha dalka ayaa ahaa, horraantii bishan markii in ka badan 30 qof ay dhinteen halka 12 kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gareen ka dib markii baskii ay saarnayeen rakaabkan uu ku dhacay webiga Enziu ee ismaamulka Kitui.
Baska ayaa doonayay in uu ka gudbo webiga, balse waxa ka awood batay biyaha, waxa uuna la jiiray dadkii rakaabka ee saarnaa.
Bartamihii bishii Siddeedaad ee sanadkan, sagaal qof ayaa dhintay tiro kalena wey ku dhaawacmeen ka dib wiish ku soo dumay dhismo dheer oo laga dhisayay xaafadda Hurlingham ee magaalada Nairobi.
Sidoo kale Isla bishaas dhismo kale ayaa ku dumay deegaanka hoose ee Gachie ee ismaamulka Kiambu.
Waxaana dhismahaasi oo ka koobnaa shan dabaq ku nafwaayay shan qof.
Horraantii bishan hal qof ayaa ku dhintay goob macdanta laga qodo oo ku duntay ismaamulka Siaya.
Waxaa goobtaasi laga qodo macdanta gaar ahaan dahabka laga soo badbaadiyay 10 qof.
Goobta laga qodayay macdanta ee duntay ayaa loo yaqaanaa Abimbo
Toddobaad ka dib, nin kale oo macdan qode ah ayaa ku dhintay meel kale oo laga qodo macdanta oo ku taalla dowlad deegaanka Saiya ka dib markii uu dhagax madaxa kaga dhacay.
Bishii Sagaalaad ee sanadkan, 10 qof ayaa ku nafwaayey shil doon ka dhacay harada Victoria, ee ismaamulka Homa Bay ee gobolka Nyanza.
Dhanka kale tirakoob uu sameeyay maamulka badaha Kenya ayaa tilmaamaya in ugu yaraan 5000 oo qof ay ku dhintaan harada sanad walba.