Ugu yaraan 11 sarkaal oo ka mid ahaa ciidamada militariga ee dowladda Yemen ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen qarax lagu eedeyay kooxda Xuutiyiinta.
Falkan oo lala eegtay saldhig ay ciidamadu ku sugnaayeen oo ku yaalla gobolka koonfureed ee Shabwa ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 17 dheeraad ah.
Sarkaal dowladeed oo u warramay warbaahinta Arab News ayaa laga soo xigtay in qaraxa uu ahaa mid culus.
Isbeheysi militari oo uu hor kacaya Sacuudiga ayaa sanado dhowr ah dagaal kula jira kooxda Xuutiyiinta ee ka soo horjeedda dowladda Yemen.