DHAGEYSO:Xassan Sh Maxamuud oo beeniyay inay midowga musharraxiinta kala qaybsameen

0
420

Iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya inay dhinacyo badan ku kala qaybsan yihiin Xubnaha Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa warkaasi beeniyay Madaxweynihii hore ee dalkaasi Xasan Sheekh Maxamuud.
Xasan Sheekh oo ka hadlayay kulan ay Midowga Musharrixiinta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa xusay in warka sheegaya inay kala qaybsan yihiin aysan waxba ka jirin, islamarkaana ay yihiin warar been abuur ah oo ay soo abaabuleen sida uu hadalkiisa u dhigay dad dhaqaale lagu siiyo wararka noocaan ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in inta badan xubnaha Midowga Musharrixiinta ay jiraan dalka dibbaddiisa, halka ay kulamada Shaqo ay uga badan yihiin asaga iyo ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.