Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka oo codsaday muddo dheeraad ah

0
858

Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Amos Kimunya ayaa xaqiijiyay inuu warqad u qoray guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Justin Muturi isagoo codsanaya in muddo dheeraad ah loo qorsheeyo ka doodidda hindise sharciyeedyo dhowr ah.
Kimunya ayaa sheegay inuu doonayo in baarlamaanka uu yeesho kal-fadhi gaar oo soconaya saddex cisho laga billaabo 5-ta ilaa 7-da bisha kooowaad ee sanadka 2022-ka.
Kal-fadhigii baarlamaanka ee shalay oo socday ilaa xalay xilli dambe ayaa waxaa hareeyay buuq iyo isafahan waa’ ka dhashay kala duwanaansho ay xubnaha ka muujiyeen xeerar hor yaallay.
Hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka John Mbadi ayaa loo diiday inuu shan cisho ka qayb galo kulamada baarlamaanka ka dib markii lagu eedeyay inuu dhibaateeyay oo uu dhaawac gaarsiiyay mudanaha deegaanka Sigowet Soin ee ismaamulka Kericho Bernard Kipsengeret .
Baarlamaanka ayaa dhinac iskaga dhigay isbeddel ay soo jeedisay xildhibaanadda deegaanka Kandara ee ismaamulka Murang’a Alice Wahome kaasoo ay kaga soo horjeedday in xisbiyada siyaasadeed laga dhigo isbeheysiyo.
Waxaa arrinkan codkooda ku taageeray 158 xildhibaan iyadoo kuwa la saftay Wahome ee laga tirada batay ay noqdeen 134 .

Hasa ahaate xildhibaanka galbeedka deegaanka Tigania John Mutunga, ayaa ku guulaystay in la tixgeliyo isbeddel dhigaya in xisbiyada siyaasadeed ay ka hor inta aan la diiwaangelin caddeeyaan midibka astaanta u ah.
Waxaa tani u codeeyay 123 xildhibaan iyadoo 118 ay ka soo horjeesteen.
Sidoo kale mudanaha deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaan ku guulaysan in meesha laga saaro qodobka ah in xisbiyadu ay diiwaangelinta ka hor caddeeyaan mabda’ooda.
Golaha baarlamaanka ayaa tixgeliyay saddex ka mid ah 27 qodob oo isbeddellada la soo jeediyay ku xusan.