Taliska Xoogga dalka oo ka hadlay weerarkii Balcad

0
851

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay inay dileen ugu yaraan sagaal ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo saakay weerar gaadmo ah ku qaaday qaybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe.
Taliska Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed oo aya xiriirtay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa xaqiijiyay in madaafiicda iyo rasaasta ay adeegsanayeen Al-Shabaan ay ku dhinteen shan qof oo rayid ah ayna ku dhaawacmeen tiro kale.
Taliska ayaa intaa ku daray inay cashar lama ilaawaan ah u dhigeen Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab la soo qalday, kuwaas oo soo weeraray degmada Balcad.
Xaaladda magaalada ayaa hadda daggan, waxaana soconaya howl-gallo ay ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku baadi goobayaan xubnaha katirsan Al-Shabaab ee degmada Balcad soo weeraray.