Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu jiro isfahan waa’ ka dhexeya isaga iyo hoggaamiyaha wadanka Uhuru Kenyatta.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in kastoo arrintan la hadal hayo ,isaga iyo Uhuru inay saaxiibbo dhow yihiin.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay telefishinka Citizen ayuu ku sheegay in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uunan ka mid ahayn musharraxiinta sanadka 2022-ka balse ay jiraan shakhsiyaad doonaya inay taageero ka helaan.
Dhanka kale waxaa uu xusay inaysan suuragal ahayn in Kenya oo uu ka yahay hoggaamiyaha labaad ay leedahay hannaan dowladeed oo awood xeeladeysan loo isticmaalo taasoo faragelin karta natiijada doorashada guud