Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamad Cumar Filish ayaa sheegay inay diyaariyeen qorshe wax looga qabanayo dhallinyarada ciyaal weerrada loo yaqaano oo bulshada magaalada Muqdisho ku nool dhibaatooyin u gaysta.
Cumar Filish ayaa sheegay inay diyaariyeen Xarumihii carruurtaan lagu dhaqancelin lahaa,cullimadii waxbari lahayd iyo gawaaridii lagu aruurin lahaa isagoo dhanka kalena waalidiinta ugu baaqay inay carruurtooda anshaxa baraan haddii ay taas ka gaabiyaan oo marka la xiro ay ka dabayimaadaana ay u arki doonaan inay dhibaatada qayb ka yihiin