DHAGEYSO:Baarlamaanka oo lagu wado inuu maanta ansaxiyo isbeddel lagu sameeyay xeerarka siyaasadeed

0
367

Xildhibaanada golaha qaran ee xeer dejinta ayaa la filayaa inay maanta soo gabagabeeyaan dood muran dhalisay .
Mudanayaasha ayaa laga doonaya inay u codeeyaan meel marinta hindise sharciyeed dhigaya in xisbiyada siyaasadeed ee wadanka loo beddelo isbeheysiyo.
Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa arrinkan si wayn uga soo horjeestay.
Shalay ayay ahayd markii mas’uuliyiin ay ka mid tahay diiwaangeliyaha xisbiyada siyaasadeed ee dalka loo diiday inay ka hor hadlaan guddiga arrimaha cadaaladda iyo sharciga ee baarlamaanka ka dib markii xubnaha guddigaasi ay dood geliyeen.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa xildhibaanada baarlamaanka ugu baaqay inaysan ansaxin hindise sharciyeedka hor yaalla oo uu ku tilmaamay mid laga dheehan karo hagardaamo siyaasadeed