Maamulka Modern Coast oo beeniyay in baabuurkooda uu shil galay

0
377

Maamulka shirkadda basaska ee Modern Coast ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in bas uu shalay dab ka kacay uunan shil gelin.
Galinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii la arkay baska ay taargadiisu tahay KCU 154L oo ku gubanaya meel u dhow xarunta ganacsi ee Bendera oo ku taalla agagaarka waddada xiriirisa magaalooyinka Chavakali iyo Kapsabet.
Hadalka ka soo yeeray maamulka shirkadda ayaa yimid ka dib markii horay loo soo tabiyay in baskaasi uu shil galay ka hor inta uunan guban.
Bayaanka waxaa ku cad in baska oo ka soo ambabaxay Mumias uu ku wajahnaa ismaamulka Mombasa ka hor inta uunan qarxin mid ka mid ah taayarrada dambe.