Saameynta ka dhalatay cudurka COVID-19 ayaa lagu soo warramayaa inay si wayn u taabatay dumarka marka loo barbardhigo ragga.
Macluumaadka waaxda qaran ee keydinta xogaha ee (KNBS) ayaa muujinaya in 115,409 qof ama boqolkiiba 61.9 ee dadka sanadkii hore lumiyay shaqooyinkii ay hayeen oo tiro ahaan lagu sheegay 186,402 ay haween yihiin.
Saameyntan ayaa qayb ka ah mid ah la xiriirta ganacsiga.
Arrintan ayaa sare u sii qaaday sinnaan la’aanta dhanka jinsiyadda ee goobaha shaqo.