Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalkani Kenya Prof. George Magoha ayaa xaqiijiyay in 5,200 oo ka mid ah fasallada cusub ee loogu tala galay hirgelinta manhajka waxbarashada ee CBC ay diyaar noqon doonaan bisha afaraad ee sanadka 2022-ka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in la dhiso ilaa 10,000 oo fasallo ah si dowladdu ay ugu guulaysato barnaamijka tacliinta ee la rumeysan yahay inuu ardayda ka soo dhisaya dhanka xirfadaha.
Magoha ayaa shaaciyay in dhisidda fasalladan la soo gabagabeyn doono dhammaadka sanadka soo socdo.
Wasiirka oo warbaahinta kula hadlay ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa sheegay in dhammaan qandaraasleyda mashruucan fulinaya ay shaqooyinkooda billaabeen.
Waxaa uu ku celceliyay in dowladdu ay ka go’an tahay sidii looga dhabeyn lahaa dhaqangelinta nidaamka cusub ee tacliinta ee CBC.