Baarlamaanka oo loogu baaqay inuusan dedejin ansaxinta xeerarka xisbiyada siyaasadeed

0
377

Madaxa xisbiga Narc Kenya Martha Karua ayaa xubnaha golaha qaran ee xeer dejinta kula talisay inaysan dedejin meel marinta xeer wax looga beddelayo xisbiyada wadanka ka jiro.
Berri ayaa lagu wadaa in baarlamaanka uu ka doodo hindise sharciyeed qeexaya in xisbiyada siyaasadeed ee dalka loo beddelo isbeheysiyo.
Karua ayaa hoosta ka xarriiqday in loo baahan yahay in ansaxinta xeerkan lagu saleeyo oggolaansho laga helay dhinacyada kala duwan ee siyaasadda wadanka.
Wasiirkii hore ee wasaaradda cadaaladda ee Kenya ayaa xustay in hindisaha baarlamaanka hor yaalla oo si degdeg ah loo meel mariyo ay meesha ka saari karto guulihii horay loo gaaray ee dhanka maareynta axsaabta siyaasadeed.