Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa u yeertay senetarka ismaamulka Kakamega ee gobolka galbeedka dalka Cleophas Malala si uu uga jawaabo hadallo uu jeediyay maalmo ka hor.
Mr. Malala ayaa dhawaan sheegay in xoghayaha guud ee dalladda ururrada shaqalaha dalka ee COTU Francis Atwoli uusan kulan siyaasadeed ku qaban karin 31-da bishan garoonka Bukhungu ee dowladda deegaanka Kakamega.
Waxaa uu intaasi ku daray inuusan jirin doonin shir 31-da bishan ka dhacaya fagaaraha Bukhungu maadaama sida uu xusay aysan doonayn waxa uu ugu yeeray dillaaliinta siyaasadeed ee qowmiyadda Luhya.
Waxaa uu sidoo kale ku eedeeyay Mr. Atwoli inuu damacsan yahay in kulankaas u isticmaalo sidii uu qowmiyadaas ugu ururin lahaa ama uu taageero uga raadin lahaa dhaqdhaqaaqa siyaasadeed hoggaamiyaha xisbiga ODM ee higsiga mideynta shacabka ee Azimio la Umoja ka dib markii Raila Odinga uu 10-kii bishan sheegay in markii shanaad u tartamayo hoggaanka ugu sarreeya ee dalka.
Dhanka kale guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa sheegay in dhammaan siyaasiyiinta dalka ay deegaanada u siman yihiin laguna soo dhawaynayo ismamullada ay doonayaan inay geeyaan ololahooda siyaasadeed, iyadoo dhanka kalena aysan jirin cid ay meel si gaar ah ugu xiran tahay.
Sidoo kale senetarka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala ayaa ka mid ah xubno horaan loogu eedeeyay kicin dadweyne.
Waxaa uuna guddiga NCIC sheegay in qof kasta oo ku lug yeesha falalka kicinta dadweynaha tallaabo adag oo dhanka sharciga ah laga qaadayo.
Guddoomiyaha guddigan Samuel Kobia ayaa sheegay inay sii wadi doonaan la socoshada dhammaan dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee dalka ka socda.
Waxaa uu tilmaamay in tani looga gol-leeyahay in la hubiyo inaysan guud ahaan siyaasiyiintu jeedin hadallo dhibaatooyin abuuri karo doorashada guud ee sanadka dambe, ka hor iyo ka dib, iyadoo tallaabo laga qaadayo hoggaamiyaasha muujiya waxyaabaha naceybka ku saleysan.