Dibadbaxyo maalinkii 9-aad ka socdo Myanmar

0
556

Tobonaan kun oo ka mid ah shacabka dalka Myanmar ayaa maalinkii sagalaad dhigaya mudaharaadyo ay kaga soo horjeedaan afgembigii dhacay.
1-dii bishan ayay ahayd markii ciidamada difaaca ee wadankaas ay talada la wareegeen.
Waxay sidoo kale xireen saraakiil sar sare oo ay ka mid tahay haweeneyda lagu magacaabo Aung San Suu Kyi .
Ardayda baranaya culuunta dhismaha ama muhandisnimada ayaa ka qayb qaatay dibadbax ka dhacay magaalada ugu weyn dalkaas ee Yangon.
Waddooyinka ayay isugu soo baxeen iyagoo sita boorar ay ku qoran tahay ha la siidaayo Aung San Suu Kyi oo tan iyo horraantii bishan xiran.