Faransiiska oo laga xaqiijiyay in ka badan 20,000 oo ah xaaladaha cusub ee corona

0
450

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Faransiiska ayaa sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay diiwaangelisay xaalado cusub oo ah kuwa cudurka COVID-19 oo gaaraya 21,231.
Sidoo kale waxaa cudurka halkaasi ugu dhintay 199 qof oo dheeraad ah.
Dhimashada guud ee ka dhalatay cudurka gudaha Faransiiska ayaa hadda ah 81,647 halka tirada guud ee xaaladaha caabuqa ee ilaa iyo hadda wadankaas laga xaqiijiyay ay tahay 3,448,617.