Raila oo sheegay inuu hubin doono in sanad walba dhaqaalaha Kenya uu kor u kaco boqolkiiba 10

0
389

Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa ballanqaaday in uu dajin doono siyaasado hufan oo ka caawin doona in dhaqaalaha dalka uu kor u kaco in ka badan 10 boqolkiiba sanad walba haddii loo doorto madaxweynaha xiga ee dalka ee doorashada guud ee sanadka dambe ee 2022-ka.
Ra’iisul wasaarihii hore ee wadanka ayaa ku adkeysanaya in tani ay tahay mid la gaari karo isaga oo adeegsanaya khibradiisa iyo fahamkiisa ku aaddan sidii loo kicin lahaa horumarka dhaqaale ee dalka.
“Waxaan leenahay siyaasado suurtagelinaya in dhaqaalaha waddankeena uu kor u kaco” ayuu yiri Mr. Odinga
Waxaa uu wacad ku maray inuu arrinkan dhaqan gelin doono, haddi dadweynaha ay hoggaanka ugu sarreeya u doortaan.
Waxaa uu xusay in saadaalintiisa ay suurtagal tahay in la gaaro, isagoo sheegay in uu ballaarin doonaa warshadaha iyo waaxyaha beeraha ee wadanka.
Mr. Odinga oo sidoo kale ah ergeyga sare ee midowga Afrika u qaabilsan horumarinta kaabayaasha ayaa dhanka kale ballanqaaday in uu sii wadi doono ballaarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka, sida dhismaha waddooyinka, loona fududeeyo warshadaha oo door muhiim ah ka qaadan doona ajandeyaashiisa horumarineed.