Kenyaankan oo lagu boorriyay inay feejignaadaan, kana fogaadaan safarrada aan loo baahnayn

0
459

Taliyaha guud ee ciidanka booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa ugu baaqay kenyaanka ah in ay feejignaadaan inta lagu guda jiro maalmaha ciidda masiixiga iyo fasaxa sanadka cusub.
Waxaa uu sidoo kale ku boorriyay dadweynaha inay gacan ka gaystaan wadaaga macluumaadka ku saabsan xaalad kasta oo amni darro ah inta lagu jiro muddadaan.
Mr. Mutyambai ayaa ku boorriyay wadayaasha baabuurta inay aad uga taxadaraan waddooyinka si ay uga fogaadaan inay shilal gaystaan.
Waxaa uu sidoo kale kenyaanka kula taliyay inay ka fogaadaan safarrada aan loo baahnayn inta lagu jiro maalmaha fasaxa si looga baaqsado faafitaanka cudurka COVID-19.
Taliyaha guud ee ciidanka booliska dalka ayaa dadweynaha ka codsaday inay ku nagaadaan halka ay ku sugan yihiin si loo yareeyo shilalka xilliyadan oo kale kordha.
Waxaa uu ugu dambeyn sheegay in la howlgeliyay ciidamo boolis ah si ay gacan ugu gaystaan sugidda ammaanka wadanka.