Wasiir ka tirsan xukuumadda Rooble oo shaqo joojin ku sameeyay agaasime wasaarad

0
450

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta dowladda Soomaaliya Jamaal Maxamad Xasan ayaa xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaraddaasi Cabdiqaadir Maxamad Aadan.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay agaasimaha Guud ku takri fal awoodeed iyo xadgubyo ka dhan ah Shaqaalaha iyo waaxyaha Wasaradda ay ka kooban tahay.
Madixii xiriirka Deeqaha Asad Yuusuf ayaa loo magacaabay Agaasime cusub ee wasaaradda Qorsheynta dowladda Soomaaliya.