Dowladda oo shaacisay in Isniinta ay maalin fasax qaran tahay

0
510

Dowladda ayaa ku dhawaaqday Isniinta soo socota oo ayna taarikhdu ku beegan tahay 27-ka bishan Diseembar ee 2021-ka inay tahay maalin fasax ah.
Arrintan ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Mati’angi.
Waxaa uu cuskaday qaybaha labaad iyo afaraad ee xeerka maalmaha fasaxa qaran ee Public Holidays Act.
Wasiirka ayaa arrinkan ku shaaciyay wargeyska rasmiga ee dowladda.
Tani ayaa loo aaneeyay iyadoo maalmaha dabaal degga cidda masiixitiinta ee Christmas ay kusoo beegantay Sabti iyo Axad.
Waxaa uu dadweynaha ku dhiirigeliyay inay la dabaal deggaan qoysaskooda iyo sidoo kale in la ilaaliyo wadajirka bulshada.