In ka badan 30 qof oo ku dhimatay dalka Bangladesh

0
275

Ugu yaraan 32 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen ka dib markii uu dab ka kacay markab aad u buuxay oo marayay Koonfurta wadanka Bangladesh.
Ciidamada booliska ayaa laga soo xigtay in dhibaatadan ay dhacday aroornimadii hore ee maanta.
Dabka ayaa laga soo tabiyay meel u dhow degmada Jhalokathi oo masaafo dhan 250 kiilomitir dhanka Koonfureed kaga beegan caasimadda wadankaasi ee Dhaka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in markabku uu siday ilaa 500 oo qof.
Madaxa booliska ee degmadaasi Moinul Islaam ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay inay isbitaallada geeyeen 100 qof oo ay dhaawacyo soo gaareen.
Dhacdooyinka dababka ayaa dalkaasi Bangladesh ku badan waxayna ahayd bishii Toddobaad markii 52 qof ay dab ku dhinteen.