Hay’adda Amnesty oo Kenya ku dhaliishay go’aan ay ka qaadatay tallaalka COVID-19

0
355

Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International laanteeda Kenya ayaa wasaaradda caafimaadka ku dhaliishay go’aanka ah in ciddii aan qaadan dawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19 laga xannibaya adeegyada muhiimka ah.
Waxay hay’addu tallaabadan ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah xuquuqda dastuuriga ee muwaadinka.
Bayaan ay hay’addu soo saartay ayay hoosta ka xarriiqay in go’aanka wasaaraddu uu shaki ku sii abuuri karo dadweynaha.
Tani ayaa timid ka dib markii wasaaradda caafimaadka ee wadanka ay shaacisay in si qofku uu adeegyo uga helo goobaha dadweynaha , maqaayadaha, goobaha shirarka , cayaaraha , xafiisyada dowladda iyo meheradaha laga dukaameysto ay qasab tahay inuu soo bandhigo caddeyn ah in laga tallaalay corona.
Agaasimaha fulinta ee hay’adda Amnesty International qaybteeda Kenya Irungu Houghton ayaa sheegay in dowladdu looga baahan yahay inay sare u qaaddo xogta la xiriirta cudurka ee ay dadweynaha la wadaagto oo ayna ka dhaadhiciso muhiimadda uu tallaalku u leeyahay badqabka qof kasta.