85 qof oo ku dhimatay markab ku burburay Madagascar

0
334

Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ku dhintay markab toddobaadkan gudihiisa ku burburay xeebta wadanka Madagascar.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada 85 qof sida laga soo xigtay saraakiisha maareeya biyaha dalkaasi.
Tani ayaa timid ka dib markii la soo saaray 21 meydad dheeraad ah.
Saraakiisha ayaa intaasi ku daray in markabka oo uu dheerarkiisu yahay 12 mitir uu siday 138 qof ka hor inta uunan Isniintii biyaha quusan.
Ilaa iyo hadda waxaa la soo badbaadiyay 50 qof.
Dadka dhintay waxaa ka mid ah shan carruur ah.
Baaritaanada hor dhaca ah ayaa muujinaya in markabka oo aan la ansaxin inuu rakaab qaado ay ku timid cillad farsamo oo dhanka matoorka ah .