Tirada dadka ku dhintay weerarrada Israel ee Gaza oo kor u kacday

0
339

Wasaaradda caafimaadka ee dhulka go’doonsan ee Qaza ayaa sheegtay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay Israa’iil ay dishey 153 qof.
459 kale oo dhaawac ah ayaa la diiwaan geliyay 24-kii saac ee la soo dhaafay.
Tani ayaa tirada dadka lagu dilay Gaza tan iyo bilowgii dagaalka ka dhigaysa 53,272, iyadoo 120,673 kale ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Marinkaas.
Israa’iil ayaa saacadihii ugu dambeeyay qeeraro xoogan ku haysay goobaha caafimaadka.