Kenya oo codkeeda ku taageertay qaraar ka dhan ah hubka fudud

0
439

Dowladda dalkani Kenya ayaa u codeysay qaraar uu soo saaray golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo dhigaya in hubka yaryar ee fudud uu halis ku yahay nabad galyada iyo amniga caalamka.
Xubnaha golaha ayaa isku raacay in musaafurinta hubka fudud uu caqabad ku noqon karo xaqiijinta xasiloonida maadaama ay suurtagal tahay in loo adeegsado dagaallada.
Kenya ayaa caddeysay in loo baahan yahay in waddamada dunida ay iska kaashadaan dhaqangelinta dadaallo looga hor tagaya isticmaalka hubka fudud.