Guddiga adeegga macallimiinta ee TSC ayaa dallacsiiyay 1,963 oo ka mid ah barayaasha waddanka.
Arrinkan ayaa lagu xaqiijiyay bayaan ay soo saartay madaxa fulinta ee TSC Nancy Macharia.
Waxaa qoraalka qayb ka ah in macallimiintan turxaan bixin lagu sameeyay intii u dhexeysay 1-dii ilaa 12-kii bishii hore ee sanadkan.
Waxaa tiradan qayb ka ah 923 oo ah maamulayaasha iyo ku xigeenadooda goobaha waxbarashada ee deegaanada oomanaha ee loo yaqaano (ASALs)
Guddiga TSC ayaa sheegay in dallacsiin kasta oo uu sameeyo loo maro hab-raacyada habboon ee xirfadda macallinimada ee (CPGs)