Guddoomiye xaafadeedyada oo loogu baaqay inay xoojiyaan la dagaalanka gudniinka fircooniga

0
298

Wasaaradda adeegga dadweynaha , jinsiyadda , arrimaha waayeellada iyo barnaamijyada gaarka ah ayaa guddoomiye xaafadeedyada ku boorrisay inay sare u qaadaan dagaalka ka dhanka ah gudniinka fircooniga ee loo yaqaano FGM-ka.
Mas’uuliyiintan ayaa sidoo kale loo soo jeediyay inay la tacaalaan xadgudubyada jinsiga ku saleysan ee loo yaqaano (SGBV) ee laga soo tabiyo tuulooyinka ay maamulaan.
4-tii bishii Lixaad ee sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta shaaciyay in Kenya ay ka go’an tahay inay sanadka 2022-ka cirib tirto gudniinka fircooniga oo wadanka laga mamnuucay sanadkii 2011-kii.