Madaxweynaha dalka oo sheegay in waddada Nairobi Expressway la furayo sanadka dambe

0
419

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa kormeer ku sameeyay mashruuca waddada wayn ee Nairobi Expressway.
Waxaa uu sheegay in waddadan la furi doono bisha saddexaad ee sanadka soo socdo si dadweynaha ay u adeegsadaan.
Hoggaamiyaha Kenya ayaa hoosta ka xarriiqay in marka mashruucan la dhameeyo uu fududaan doono ciriiriga dhanka isku socodka gaadiidka ee magaala madaxda wadanka.
Madaxweynaha ayaa dhawaan warbaahinta u sheegay inuu ku qancay geeddisocodka dhismaha waddadaasi oo uu xusay inuu meel wanaagsan maraya.
Dhanka kale madaxweynaha ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu jiro qorsho lagu dhacayo dhulka beerta xurriyadda ee Uhuru Park isagoo kenyaanka u xaqiijiyay in howlaha dhismaha ee goobtaasi ka socdo ay yihiin kuwo lagu sii qurxinaya.