Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in sagaal qof ay ku dhinteen shil saaka ka dhacay aagga loo yaqaano Manyani ee magaalada Voi oo ka tirsan ismaamulka Taita Taveta ee gobolka xeebta.
Shilka ayaa u dhexeyay bas ay leedahay shirkadda basaska ee Dreamline iyo mid ka mid ah baabuurta xamuulka.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in shilka uu dhacay xilli baska oo siday 44 qof oo rakaab ah uu isku dayay inuu ka hor maro looriga.
Wadayaasha baabuurtan ayaa ka mid ah afar qof oo isla goobta ku dhintay halka kuwa kale ay nafwaayeen iyagoo isbitaalka Moi ee Voi lagu daweynaya.
Waxaa dhacdadan xaqiijiyay taliyaha booliska ee degmada Voi ,Bernastein Shari.
Baabuurta shilka galay ayay loo qaaday saldhigga booliska ee Voi ee ismaamulka Taita Taveta.