Burcad ka kooban afar ayaa abaare 4-tii aroornimo ee maanta dhac ka gaysatay kaalinta shidaalka ee Shell Petrol Station ee deegaanka Likoni ismaamulka Mombasa.
Taliyaha saldhigga booliska ee Likoni Joseph Karanja ayaa warbaahinta u sheegay in burcadda ay xargo ku xirxirtay shaqaalihii goobtaasi ka hor inta aynan falkan fulin.
Mr. Karanja ayaa xusay in tuugada ay u sii gudubtay goob ay lacag caddaan ah taallay halkaasoo ay kala baxsadeen hanti aan qiimaheedu la cayimin.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray inay guda galeen baaritaano hor dhac oo arrinkan ku aaddan halka laamaha ammaanka ay ku raad joogaan burcadda .