Ardayda lagu caddeeyay rabshadaha ka dhaca dugsiyada oo aan goobaha waxbarasho loo oggolaan doonin

0
437

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa sheegtay in ardaydii lagu helay hab-dhaqan xumo iyo falal dambiyeedyada la xiriira rabshadaha ka dhaca dugsiyada la aqbali doonin inay dib ugu soo laabtaan goobaha waxbarashada markii dib loo furo 3-da bisha Koowaad ee sanadka cusub ee 2022-ka.
Xoghayaha joogtada ah ee waaxda waxbarashada aasaasiga Dr. Julius Jwan ayaa xusay in tani ay qayb ka tahay ciqaabaha lagu fulinayo ardayda ka qayb qaatay burburinta hantida xarumaha waxbarashada.
Waxaa uu ka digay xaalad kasta oo ay ardaydu ku gubaan dugsiyada in loola macaamilayo sidii dambiilayaal, islamarkaana la oggolaan doonin in hanti waxbarasho la burburiyo.
Dr. Julius Jwan ayaa carrabka ku dhuftay in wasaaradda waxbarashada ee dalka ay hadda gacanta ku hayso diiwaanka dhammaan ardaydii maleegayay iyo kuwii ka qayb qaatay falalka wali isa soo taraya ee lagu gubaya dugsiyada.
Waxaa uu xusay in burburinta hantida goobaha tacliinta aysan ahayn hab ku haboon in ardayda ay carradooda ku muujiyaan haddii aynan dareemeyn qanacsanaan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo bilooyinkii ugu dambeeyay dab la qabadsiiyay qaybaha qaar ka mid ah dugsiyada sare ee dalka.