DHAGEYSO:Dacwad ka dhan ah garsoore Mrima oo loo gudbiyay JSC

0
315

Muwaadin lagu magacaabo Michael Mutembei Makarina ayaa guddiga adeegga waaxda cadaaladda ee dalka ee JSC u gudbiyay dacwad uu ku doonayo in shaqada laga joojiyo garsoore Anthony Mrima.
Xaakinka oo ka howlgalo maxkamadda sare ee dalka ayaa horay u soo saaray amar muddo afar bilood ah lagu xiraya agaasimaha waaxda dambi baarista ee DCI-da Mr. George Kinoti.
Go’aankaasi ayuu ku saleeyay in Kinoti uu dafiray amar maxkamadeed oo ahaa in ganacsade Jimmy Wanjigi uu dib ugu celiyo hub ay laamaha ammaanka kala wareegeen.
Hasa ahaate Makarina ayaa ku doodaya in garsooraha uu muujiyay habdhaqan xumo iyo karti la’aan shaqo.
Dacwadda uu u gudbiyay guddiga JSC ayaa waxaa ku cad in xaakinka uunan kiiskii hor yaallay u wajahin si ay dhexdhexaadnimo ku dheehan tahay.
Waxaa uu doonaya in baaritaan lagu sameeyo garsooraha si loo xaqiijiyo inay jirto faa’iido uu helay oo horseedday go’aankiisa
Qareenka matalaya Makarina oo lagu magacaabo Danstan Omari ayaa dhawaan warbaahinta faahfaahin ka siiyay dacwadda ka dhanka ah garsoore Anthony Mrima.