Isku duwaha amaanka gobolka Rift Valley oo dhaliilay dhismaha Saldhiga Lanet

0
366

Isku duwahaa amaanka ee gobolka Rift Valley George Natembeya ayaa sheegay in habraacii loo maray markii la dhisayay saldhiga ciidanka booliska Lanet ee ismaamulka Nakuru uusan mid saxan ahayn.
Natembeya ayaa sheegay inuusan waxba kala socon awaamiir uu aaminsan yahay in wasiirka wasaarada arimaha gudaha ee dalka Dr Fred Matiangi uu soo saaray kuwaasoo uu sheegay in lagu doonayay in Meesha looga saaro tabeeleyaal uu ku xrdhanaa magaca madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto sidoo kalena uu meel ka dhac ku sameeyay sida uu hadalkiisa u dhigay sumcada waaxda CDF-ta.
Dhismaah saldhiga Lanet ayaa lagu maalgaliyay sanduuqa hormarinta deegaanada ee CDF Taalada lagu xardhay magaca madaxweyne ku xigeenka dalka ayaana waxaa ka taagnay Saldhiga xildhibaanka deegaan baarlamaaneedka Bahati Kimani Ngunjiri wararka ayaana sheegaya in la dumiyay taaladaas maalinkii sabtida kadib markii uu xildhibaanku ka baxay.
Mr Ntembeya ayaa sheegay in hadii howshaal lagu wargalin lahaa ay halkaas ku sugnaan lahaayeen taliyaha booliska gonolka ama saraakiisha kale ee deegaanka ka howlgala.
Isku duwaha howlaha amaanka ee gobolka Rift Valley ayaa ugu baaqay siyaasiinta inay ka fogaadaan in la siyaasadeeyo arimaha amaanka dlaka isagoo intaasi ku diray inay bilaabeen baaritaano dhacdadaan la xiriira isagoo sidoo kale xusay in furitaanka saxda ah ee saldhigaan la samayn doono.
Dhacdadaan ayaana waxayn hadal ahayn ka dhex abaartay shacabka dalka iyo qaar ka mid ah madaxda wadanka,xildhibaanka deegaan baaramaaneedka Bahati ayaa sidoo kale Canbaareeyay talaabadaasi oo uu ku tilmaamay mid aan ka imaan maskax dhamays ah.
Talaabadaan oo ugub ah ayaa dadka qaar waxay u arkaan mid lagu bartilmaameedsanayo madaxweyne ku xigeenka iyo xulufadiisa ay ka wada tirsan yihiin xisbiga UDA,kaasoo uu doonayo inuu doorashada guud uga qaybgalo sanadka danbe.
Dhacdadii sabtida ayaana imaanaysa ayadoo wasiir Matiangi uu soo saaray amaro isdaba joog ah oo uu saraakiisha u jeediyay sidoo kalena uu ku dalbanayay in la ilaaliya daacadnimada iyo u hogaamsanka amarada madaxweynaha ayadoo la raacayo wadadiisa ka hor doorashada guud ee 2022-ka.
16-kii bishaan xili uu Matiangi ka hadlayay dowlad deegaanka Kisumu ayuu masuuliyiinta uga digay qiyaanaa isagoo sheegay inay lagama maarmaan tahay in la hubiyo in dadka gobolka ay awood u yeeshaan inay isku diiwaangaliyaan doorashada.
Isagoo sidoo kale u digay saraakiil uu sheegay inay ka hor imaanayaan awaamiirta dowlada.