Dowlada Iran ayaa dhoolotus milatari oo dhanka cirka ah waxay ka samaysay aagga warshadda Tamarta Nukliyeeerka ee Bushehr oo ku taalla waqooyiga dalkaasi.
Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo ay wali taagan tahay xiisadda ka dhalatay barnaamijka Hubka Nukliyeerka dalka Iran.
Warbaahinta dowladda Iran ayaa ku warrantay in dhoolatuskan laga sameeyay saacadihii hore ee maanta Koonfurta gobolka Bushehr iyo sidoo kale gacanka Faaris.
Dhanka kale dhoolatuskan wuxuu ku soo aaday maalmo kadib wada hadalLadii ugu daMbeeyay ee ka dhacay Vienna si dib loogu soo celiyo heshiiskii ay Iran la gashay quwadaha caalamka kuwaasoo horay loo yar tallaabsaday in kastoo aan heshiis buuxa la gaarin.
Sidoo kale waxaa uu ku soo aaday iyadoo Israa’iil ay aad u diiddan tahay in heshiiskan dib loo soo nooleeyo si cunaqabataynta looga qaado xukuumadda Tehraan .
NourNews oo ah warbaahin u dhow ciidamada Iran ayaa toddobaadkii hore warisay in ciidamada amaanku qiimaynayaan suuragalnimada ah inay Israa’iil ay waddo qorshe lagu fashilinayo wada hadallada Vienna.
Taliyaha ciidanka ilaalada kacaanka Iran Gholamali Rashid ayaa sheegay inuusan suuragal noqon doonin iskuday kasta oo weerar ay Israa’iil qaaddo hadii uusan Maraykanku oggolaansho bixin.
Horaantii bishaan waxaa la maqlay qarax weyn waxaana la howlgaliyay nidaamka difaaca hawada ee u dhowr xarumaha ugu waa weyn ee nukliyeerka Iran ee Natazs