Xildhibaan ka tirsan garabka bidix oo loo doortay madaxweynaha Chile

0
307

Xildhibaan ka tirsan garabka bidix oo caan noqday intii lagu jiray mudaaharaadyada dowladda lagaga soo horjeedo ee dalka Chile ayaa loo doortay madaxweynaha xiga ee dalkaasi.
Ku dhawaad 99 boqolkiiba goobaha codbixinta ayaa laga soo sheegay in Gabriel Boric uu ku guuleystay 56 boqolkiiba codadka la dhiibtay, marka la barbar dhigo 44 boqolkiiba musharraxa muxaafidka ah ee la tartamayay Jose Antonio Kast.
Boric oo ah 35 sano jir ayaa lagu wadaa inuu noqdo madaxweynihii ugu da’da yaraa abid ee wadanka Chile.
Madaxweynahan cusub ee la doortay Chile ayaa xafiiska la wareegi doona bisha Saddexaad ee sanadka dambe isagoona sheegay inuu wax ka qaban doono dhaqaale xumada ka jirta wadankaasi.